Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare & Xildhibaanada metela Hirshabelle? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xildhibaannada labada aqal ee Hirshabelle ku matala dowladda Somalia.

Waare iyo Xildhibaannada ayaa ka wada hadlay arrimo kale duwan oo khuseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla Maamulka Hirshabelle sida ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hirshabeelle.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xog wareysteen xaaladaha amni iyo midda bulsho  ee degaannada Hirshabelle, iyo in Xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda Dowlad goboleedka si dhowna ula shaqeeyaan maamulka.

Dr. Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faahfaahiyay muddada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda

Qaar ka mid Xildhibaannada ayaa iyana u faahfaahiyay Madaxweynaha socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan, iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo maamul wanaaga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ee looga hadlayo amniga Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaan Ka Baran Karnaa Kacdoonka Bannaanbaxyada Lubnaan iyo Ciraaq?

Cabdi Cade

Keligii taliye caan ah oo amar yaab leh ku soo rogay gaadiidka dalkiisa laga isticmaalo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---