Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tarsan: “Somalia waa dalka kaliya Afrika ee dagaal kula jira labo urur oo argagaxiso ah”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baahi wayn u qabto in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran si ay uga adkaato kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya iyo gobolka bariga Afrika.

Wareysi uu siiyay Wargeysta Standard ee ka soo baxa dalka Kenya Axaddii, ayuu danjire Tarsan ku sheegay “Waxaa jira dadaallo badan oo ay ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan si ay guulo u gaaraan, Laakin ciidankeennu waxauu u baahan yahay hub horumarsan iyo tababar, Ciidankeenu waxa ay haystaan hubka ay haystaan kooxada Al-Shabaab oo kale, haddaba sideen u noqon karnaa kuwa guulaysta?”

Danjiraha ayaa sii raaciyay (Tusaale), Mareykanka oo haysta ciidanka ugu xooggan uguna qalabka fiican adduunka ayaa kula dagaallamaya Daalibaan dalka Afghanistaan 17 sano, laakin ma aysan ka guulaysan wali, ayagoo xittaa ka hub sarreeya, Marka sideed uga rajaynaysaan dowladda Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay in ay si xoog leh ula dagaasho Al-Shabaab”.

“Waxay la mid tahay in ay gacmaha naga xireen, kaddibna -caalamku noo sheegayo in aan la dagaallano Al-Shabaab.

Mar la waydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya u aragto ka bixidda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayuu danjire Tarsan yiri.

“Aragtideennu waa in haddii ciidanka AMISOM ay baxayaan lagu beddelo ciidanka Soomaaliya oo aad u tababaran, una hubeysan. Caqabaddu waxay tahay, beesha caalamka ayey ahayd in ay nagacaawiyaan tababarka iyo qalabaynta 30 kun oo ciidanka XDS ah marka ay AMISOM dalka ka baxayso 2021-da, laakin taasi ma socoto hadda, Waxay la micno tahay ciidanka XDS hadda ma buuxin karaan kaalintaas”.

Danjire Tarsan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee Afrika ku yaalla ee dagaal kula jira laba urur oo argagixiso caalami ah.

“Kaliya lama dagaallamayno Al-Shabaab, laakin waxaan sidoo kale la dagaallamaynaa ISIS ama Daacish, Soomaaliya waa dalka kaliya eeAfrikaan ah ee la dagaallamaya laba urur oo argagixiso caalamiya ah oo kujira xudduudaheena, beesha caalamkuna waxa ay wali nagu haysaa cunaqabatayn hub oo saaran dalkeenna, Hadda, waxaan wajahaynaa caqabad kale oo hub ayaa si sharci darro ah dalkeena uga soo galaya Yemen. Waa xuquuqda madax-bannaanideenna in aan difaacno nafteenna, laakin sideen ula dagaallamaynaa kooxahaas haddii aananhubeyn Karin ciidankeenna?

Sidaas darted, waxaan jeclaan lahayn in dowladaha gobolku oo ay Kenya ugu horreyso nooga ololeeyaan fagaarayaashacaalamiga ah, si cunaqabataynta hubka looga qaado waddankeenna. Ayuu yiri Danjire Tarsan

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya, iskaashiga ganacsi iyo ammaan ee labda dal iyo waliba horummarada dhaqaale,  siyaasadeed iyo fursadaha maalgashi ee ka jira waddanka Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isgaarsiinta Dhuusamareeb oo la jaray & Warar kala duwan oo ka soo baxaya

Caydiid Ali

James Swan oo ka hadlay Qaraxii Xarunta Gobolka oo Saacado yar kadib markii uu ka tagay dhacay

Cabdi Cade

Maxaa ka run ah Wararka sheegaya in Deni uu ka hor yimid qorshaha Musharaxiinta?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---