Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo weerartay saldhig Milateriga Kenya ku leeyihiin degaanka Katulo

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weeraray Saldhig Ciidamada gaarka ah ee dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Katulo oo ka tirsan Magaalada Wajeer ee gobolka Woqooyi bari.

Dagaal muddo kooban socday ayaa dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya ee saldhigaas ku sugnaa kaasoo la isku adeegsaday hub kala duwan.

Saraakiisha ciidamada Kenya hogaamineysay ayaa waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab ayna khasaare u geysteen kooxihii soo weeraray.

Sarkaal lagu Magacaabo Stephen Ngetich ayaa Warbaahinta Kenya u sheegay iney weli ka feejigan yihiin weeraro kale oo kaga yimaada dhanka Al-Shabaab.

Iska horimaadka labada dhinac dhexmaray oo socday ku dhowaad labo saacadood ayaan la ogeyn illaa hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa horey weeraro qaarkood lagu hoobtay uga geystay xarumo Boolis, Jaamacado iyo meelo kale oo ku yaalla gobolka woqooyi bari Kenya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Axmed Madoobe oo soo saaray wareegto uu xilal cusub ku Magacaabay

Caydiid Ali

Sidee looga ciiday degmada Ceelbuur oo ay gacanta ku heyso Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasiir Fiqi oo shir deg deg ah iskugu yeeray heyadaha Q/Midoobay

Caydiid Ali