Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa aad loo hadal hayaa dukaan ku caan baxay waxyaabo dad badan aysan ku dhiiran karin ama aysan ka ganacsan karin.
Dukaankan oo lagu magacaabo Daarul Aakhira ayaa waxaa lagu iibiyaa karfanta ama kafanta meydka lagu kafano iyo waxyaabaha kale ee meydka loogu talo galay sida barafuunada u gaarka ah oo kaliya.
Bannaanka hore ee dukaanka waxaa ku dheggan boor weyn oo uu ku sawiran yahay qof meyd ah oo la kafanay waxaana sidoo kale ku qoran ku soo dhawaada dukaanka reer aakhiraadka.
Arrintan ayaa ku khasabtay dad badan in ay ka cabsadaan inay dukaankaasi gudaha u galaan, waxaana uu dukaankani saameyn ku yeeshay ganacsiga maqaaxi shaaha laga cabbo oo u dhow maadaama dad badan aysan ku dhiiran karin in ay hoos fariistaan boorka uu ku sawiran yahay meydka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com