Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abaanduulihii dhowaan loo magacaabay guutada 12-ka Apriil & Saraakiil kale oo qarax lagu dilay

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Sh/hoose waxaa qarax lagu dilay laba ka mida saraakiishaa sare ee ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Qarax Miino oo aad u culus ayaa lala beegsaday Gaari ay la socdeen abaanduulihii guutada 12-ka Apriil G/sare C/salaan Aadan Kurjow iyo C/sare C/raxman Jimcaale Muse oo dhinaca Maaliyadda u qaabilsanaa Guutada, iyagoo qaraxa ku dhintay, wuxuuna qaraxu ka dhacay degaanka Dhannaane oo ahaa isla goobtii lagu dilay abaanduulihii hore ee Guutada Jen. Cabdi Cali Jamaame.

Col. Abdisalan Adam Kurjow ayaa la magacaabay 26-kii Disember 2018, 20 maalmood ka dib markii uu qarax ku dhintay abaanduulihii xilka kaga horeeyay oo la dilay 6-dii Disembar.

Qaraxyada lagu dilay taliyeyaasha guutada ugu muhiimsan ciidamada Milateriga muddo 2 bilood gudadood ah ayaa muujineysa halista heysata ciidamada Xoogga dalka oo maraya halkii ugu hooseysay sirdoon ahaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Lorenzo Fonta (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkado tartan ugu jira in ay soo saaraan baabuur cusub oo xiligan baahi weyn loo qabo !!

Cabdi Cade

Liiska ka dambeysta ah ee shirkadaha ku guuleystay fulinta adeegyada Xajka oo lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---