Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo baahisay magacyada Saraakiil ay sheegtay iney ku dileen qaraxii X/Weyne

Al-shabaab ayaa shaacisey magacyada saraakiil ay sheegtay inay maanta ku dhinteen Qarixii ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in saraakiil fara badan ay isugu imaan jireen Baarka ay beegsadeen, waxayna intaas ku dartay inay qaraxa ku dhinteen xubno ay ka mid yihiin:

Gaashaanle Sare Cabdi Nuur Axmad (Kadiye) oo ka tirsanaa saraakiisha Militariga, Muxiyidiin Macow iyo Cabdullaahi Yare oo ahaa Saraakiil iyo Cabdi Aadan Deeq (Cabdi Cagweyn) oo ka mid ahaa saraakiisha lagu dhaawacay qaraxa.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Alshabaab marka laga reebo Cabdi Nuur Axmad Kadiye oo eheladiisa ay xaqiijiyeen inuu ku dhintay Qaraxa.

Dad ka badan 20 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho ku dhinteen, waxaana ka mida ahaa hooyo iyo wiil ay dhashay iyo dad kale oo ku sugnaa suuqa, iyadoo dhaawacyo 20 ka badan la dhigay goobaha Caafimadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa London oo Ansixiyay Boombale loo ekeesiiyay Donald Trump (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Israaiil oo ka hor timid qorshe xasaasi ah oo uu damacsanaa Sacuudiga

Caydiid Ali

Ahlu Sunna oo ka baxday Guriceel iyo Ciidamada Dowlada oo si buuxda ula wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---