Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad xiliga u kordhisay Maraakiib dagaal iyo ciidamo ka jooga xeebaha Somalia

Baarlamaanka dalka Turkiga oo kulan ku yeeshay Arbacadii magaalada Ankara ayaa muddo Hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada ka howlgala dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Gacanka Cadmeed.

Ciidamada Turkiga ee mudo kordhinta loo sameeyay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo ilaaliya Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliya, Gacanka Cadan iyo Marin biyoodka Baabal Mandab.

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa dood dheer kadib waxa ay isku raaceen in Ciidamadooda ay sii joogaan ilaa 10-ka February ee Sanadka 2019-ka, waana markii Tobonaad oo muddo kordhin u sameeyeen Ciidamada Turkiga ee ka howlgala Bariga Afrika iyo Gacanka Khaliijka Carabta.

Waxaa kaloo jirtay in Baarlamaanka Turkiga ay codka kalsoonida siiyaan in Ciidamo dheeraad ah lagu daro 10-ka Bishan Ciidamada Turkiga ee Howgalka ku jira.

Marin Biyoodka Baabal Mandab waa midka 4aad ee ugu adeegsiga badan Caalamka, waxaana ka gudba ama isaga kala goosha Maraakiibta Ganacsiga ee daafaha caalamka taga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Paul Simkin iyo Wafdi uu Hogaaminayay oo gaaray magaalada Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Lacag siiyay nin fashiliyay Qarax ay Al Shabaab ….

Cabdi Cade

DEG DEG: Guddigii doorashada Kenya oo labo garab u kaa jabay (Wararkii u dambeeyey)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---