Allbanaadir.com
NEWS

Gaashanle Sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen oo maanta xil ka qaadis lagu sameeyay

Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen oo ahaa Taliyihii booliiska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa maanta xil ka qaadis lagu sameeyay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku fashilmay shaqadii loo xil saaray.

Guddiga amniga ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland oo kulan deg deg ah isugu yimid ayaa dood iyo falan qeyn kadib waxa ay isku raaceen in xilka laga qaado Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen.

Taliyaha ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay gudasha waajibaadkii loo xil saaray ee sugida dhinaca amniga, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uusan wax wada shaqeyn ah la laheyn maamulka gobolka iyo kan magaalada Boosaaso.

Guddiga amniga gobolka Bari oo ka kooban Wasiirka Dekaddaha, Gudoomiyaha gobolka Bari iyo saraakiil kale ayaa saxiixay iskuna raacay xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyihii booliiska gobolka Bari.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyaha booliiska gobolka Bari ayaa kusoo aadeysa xili amaanka magaalada Boosaaso uu sii xumaaday ayna ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay qaraxo ,weeraro qorsheesan iyo dilal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay Magacaabida Golaha Wasiirada cusub, kana codsaday..

Caydiid Ali

(Sawirrro) Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulan xalay ka dhacay Villa Somalia

Caydiid Ali

Dacwad laga gudbinayo ciidamada Turkigu u tababaro dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali