Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Digniin adag oo laga bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan dalka Kenya

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku saabsan weerarro argagixiso oo ka dhici kara magaalooyin ka tirsan dalka Kenya.

Qoraal maanta kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay inay jirto halis ku saabsan in dadka reer Galbeedka ah lagu weerarro magaalooyinka Kenya sida: Nairobi, Naivasha, Nanyuki, and Gobolka Xeebta, waxaana dadka looga digay inay ka fogaadaan goobaha la isugu yimaado sida Baararka, Suuqyada, Hotelada iyo goobaha lagu cibaadeysto.

Waxaa kaloo dadka Mareykanka iyo kuwa kasoo jeeda dalalka reer Galbeedka laga dalbaday inaysan tegin goobaha dalxiiska ee lagu yaqaan inay tagaan dadkaasi, ayna xiriir joogto ah la sameeyaan safaaradahooda.

Digniintan ayaa soo baxday iyadoo kooxda Alshabaab ay bartamihii bishii hore ee Janaayo weerar culus ku qaaday dhismaha Dusit D2 ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu dilay dad gaaraya 21 qof oo ay ku jireen dad reer galbeed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo DF ku eedeysay dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

DEG DEG: Doorashada degmooyin ay ku jirto caasimada Garowe oo dib loo dhigay

Caydiid Ali

Nin si arxan daro ah loo dilay kadib markii uu iibsaday Faras  (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---