Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Labo Nin oo u Muuqaal Eg Madax caan ah oo dad badan ka yaabsaday !! (Daawo Sawirada)

Warbaahinta Caalamka iyo baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday labo nin oo u aad ugu eg Madaxweynayaasha Waqooyiga Kuuriya iyo Filibiin, waxaana labadan nin si wadajir ah iyaga oo wada socda loogu arkay goobo ay dadku isugu yimaadaan.

Labadan nin oo aad ugu muuqaal eg Madaxweynaha Filibiin,Rodrigo Duterte iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxaana labadan nin lagu arkay wadooyinka magaalada Hong Kong iyaga oo iska dhigaya Madaxda ay u egyihiin.

Sawirro iyo Muuqaalo laga soo qaaday labadan nin ayaa waxaa ka muuqda iyaga oo socda wadooyinka magaalada Hong Kong , waxaa sidoo kale labadan nin ee dadka ka yaabsaday lagu dhax arkay iyaga oo baar wax ka cunaya.

Labadan nin ee dadka ka yaabsaday ayaa lagu kala magacaabaa Cresencio Extrem oo u muuqaal eg (Duterte) iyo Howard X oo isna si aad ah ugu muuqaal eg hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Dad badan oo aad ula yaabay sida labadan nin ugu egyihiin Madaxda Wadamada Filibiin iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa bilaabay in ay sawirro la galaan, waxa ayna sheekadan labadan nin noqotay mid si weyn u baahisay Warbaahinta caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raísul Wasaare Xamse oo ka digay khatar amni oo Muqdisho kusoo wajahan amarna bixiyay

Cabdi Cade

Maxkamada ICJ oo laashay Codsigii Kenya iyo Dowlada Soomaaliya oo soo dhaweesay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo iyo wafdigiisa oo maanta ku sii jeeda degmada Hobyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---