Allbanaadir.com
NEWS

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo ninkii geestay oo la qabtay

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya goordhaw Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dilay nin shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga uu rasaas uu doonayay in gaari nuuca ambalaasta ugu furo wadada oo mashquul aheyd u riday, waxaana mid kamid ah rasaastaasi madaxa uga dhacday nin watay gaari wadada marayay.

Ciidamada booliiska oo goobtaasi ku sugnaa ayaa la sheegay in gacanta ku dhigeen askariga dilka geestay, waxaana meydka ninka la dilay iyo askariga dilka geestat la geeyay xarunta dambi baarista CID-da.

Dilalka ay dadka shacabka u geesanayaan ciidamada katirsan dowlada ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho , waxaana labadii maalin ee ugu dambeesay Muqdisho askarta dowlada ku dileen Hooyo 8-caruur ah heesatay iyo wiil mooto bajaajle ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Gorgor oo burburiyay Doon la sheegay in ay adeegsan jireen Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo soo saaray amar ka dhan ah Ciidamada ka jooga Soomaaliya

Cabdi Cade

Hay’adda Duulista Rayidka oo soo saartay go’aan ku socda Qurbajoogta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---