Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxii Shirkada DP World ee Dekadda Boosaaso oo goordhaw la toogtay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi lagu dilay Madaxii shirkada laga leeyaha Imaaraadka Carabta ee DP World.

Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxa Shirkadda PD World iyo P&O, ayaa lagu toogtay gudaha Dekadda magaalada Boosaaso, waxaana wararku sheegayaan in uu toogtay nin hubeesan .

Madaxa Shirkada DP World oo dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal kuyaala magaalada Boosaaso ayaa markii dambe geeriyooday, waxaana la sheegay masuulkan katirsanaa Shirkada DP World in dhowr xabadood lagu dhuftay.

Ciidamada ilaalada Dekadda Boosaaso ayaa dhaawacay gacantana ku dhigay ninkii ka dambeeyay dilka Paul Anthony Fermosa, walina lama oga waxa dhaliyay dilkan iyo ninka dilka geestay waxa uu ahaa.

Shirkada DP World ee ka shaqeesa maamulida Dekaddaha ayaa lagu wareejiyay dekadda magaalada Boosaaso, kadib markii ay heshiis la gashay maamulka Puntland, waxa ayna dekadda ku howlaneyd balaarinta dekadda Boosaaso.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha dilkan kala soco Wararkayaga dam be Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii booliiska Galmudug oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Amakaag ku noqotay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Waraabe (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay Qaraxyo lagu laayay arday badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---