Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Darawal Bajaajle ahaa oo lagu dilay Muqddisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa toogasho ku dilay saacado ka hor nin darawal ka ahaa Mooto bajaaj uu soo raacay.

Falkan ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxayna dad goob-joogayaal ah sheegeen in askariga oo soo kireystay Mootada uu muran dhexmaray darawalka Mootada, iyagoo isku maandhaafay lacagta kirada ah.

Askariga ayaa ka dib rasaas ku furay  darawalka bajaajlaha oo isla goobtii ku qurbaxay sida ay sheegeen dad goobta ku sugnaa.

Waxaa baxsaday askariga dilka geystay ka hor inta aysan halkaas gaarin ciidamada amniga, iyadoo falkan uu ka mid yahay dilalka joogtada ah ee ciidamada dowladdu ku hayaan Bajaajleyda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Dayniile Jacfar oo loo doortay Xildhibaan katirsan gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

In ka badan 18- Milyan Dollar oo ka maqan lacag Deeq Bixiyaasha ugu deeqeen Somalia (Akhriso)

Cabdi Cade

Saraakiisha TPLF oo qirtay in dagaal looga qabsaday Magaalooyin istaraatiiji ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---