Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Hirshabelle Maxed Cali (Caadle) ayaa Wareegto uu soo saaray ku sameeyay xil ka qaadis gudoomiye degmo ka tirsan gobolka Hiiraan iyadoo isla wareegtadaasi lagu magacaabay masuulka bedelaya.
Wareegtadan waxaa xilka lagaga xayuubiyay gudoomiyii hore ee degmada Jawiil, waxaana gudoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cabdiqaadir Cabdi Cabdullaahi.
Sababta xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee Jawiil ayaa lagu sheegay inuu ka soo bixi waayay waajibaadkii loo xil saaray.
Hoos ka akhriso Wareegtada
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com