Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dowlada Federaalka oo Jubbaland u fasaxday lacag ka badan Hal Milyan oo Dollar

Wasaarada Maaliyada Dowlada federaalka ayaa maamulka Jubbaland u fasaxday lacag dhan $1.2 milyan oo dollar, lacagtan ayaana horey dowlada Federaalka uga xayirtay Jubbaland kadib markii uu labada dhinac khilaaf soo kala dhax galay.

Lacagtan dowlada federaalka Soomaaliya u fasaxday maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in loogu tala galay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed sida dhismooyinka Wadooyinka magaalada Kismaayo.

Sida aan wararka ku heleyno Wasiirka maaliyada maamulka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu wareejiyay lacagta  $1.2 milyan oo dollar ee loo fasaxay Jubbaland.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa qoraal uu sanadkii hore soo saaray uga dalbaday Wasaaradaha maaliyada ee maamul goboleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab xirka lacagihii horey loo siiyay maamulada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin lacagtan ay u fasaxday maamulka Jubbalabd, waxa ayna arintan imaaneysaa xili uu hada soo if baxayo isku soo dhawaansho dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Somaliland oo 3 bilood ka dib xukun ku riday Bishaaro Baanday

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo shaaciyey arrin ay dowladiisu muhiimad gaar ah siineyso (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---