Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Iiraan oo soo bandhigtay Gantaal Nuuca ridada dheer oo casri ah (Daawo Sawirada)

Dowlada Iiraan ayaa munaasabada xuska sanad guurada kacaanka dalkaasi oo shalay lagu qabtay magaalada Tahran kusoo soo bandhigtay gantaal casri ah oo la sheegay in riddadiisu gareyso 1,300 kilo mitir (800 oo mile)

Taliyaha sare ee ciddamada kacaanka Iiraan ayaa sheegay in ay sameesteen Gantaal nuuca ridada dheer , waxa uuna xusay in Iiraan ay ku qasbanaatay in  xaddigii looga tala galay ay dhaafiso sameysashada gantaallada riddada dheer.

Wasiirka gaashaandhigga Iiraan Amir Hatami oo dhankiisa ka hadlayay munaasabada lagu soo bandhigayay Gantaalkan casriga ah ayaa sheegay in uu awood u leeyahay isaga oo hawada sare ku socda uu muddo gaaban ku gaari karo halka lala beegsado.

Gantalkan casriga ah ee sameesatay Dowlada Iiraan ayaa lagu magacaabo Hoveizeh ,wuxuuna gantaalkan  ka mid yahay bahda gantaallada Soumar oo ay Iiraan sameysay sanadkii 2015-ka.

Iiraan ayaa sheegtay in tijaabada gantaallada ee ay sameeyneyso aysan ahayn mid ku xad gudbayo heshiisya caalamiga ah balse uu la mid yahay hanashada hubka Niyuukilarka ee ay waddama badanba haystaan.

Dowlada Iiraan ayaa horey ugu guuleesatay in ay sameysato  matoorka diyaaradaha dagaalka ee gantaallada riddada dheer xambaara, waxa ayna Iiraan dadaal badan ku bixineysaa horumarinta hubka casriga ah si ay isugu difaacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul uu Xoghayaha guud ee QM u magacaabay Somalia oo Muqdisho yimid

Caydiid Ali

Gudoomiye ku-xigeenka G/Banaadir oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee Uganda (Sawirro)

admin

Ajaaniib laga shakiyay oo gacanta lagu dhigay iyo baaris ku socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---