Allbanaadir.com
NEWS

Ookiyaale lagu aqoonsanayo dadka Dambiilayaasha ah oo lasoo saaray

Dalka Shiinaha ayaa horumar weyn ka gaaray Tiknoolajiyada casriga ah, waxa uuna dalkaasi si joogto ah usoo saaraan qalab casri ah oo wax badan ka taraya xaaladaha taagan.

Shiinaha ayaa hada ku guuleestay in ay soo saaraan Ookiyaale casri ah oo ciidanka booliiska ka saacidaya in ay aqoonsadaan wajiyada dadka dambiilayaasha ee baadi goobka loogu jiro.

Booliiska dalka Shiinaha ayaa hada bilaabay in ay xirtaan ookiyaal lagu rakibay kaamiro ku xiriirsan qadka internet-ka, taas oo leh aalad casri ah oo lagu aqoonsan karo wajiyada dadka dambiyada lagu tuhunsanyahay ee ku jira diiwaanka dowladda.

Tijaabo booliiska ku sameeyeen ookiyaalahan casriga ah ayey ku aqoonsadeen 7-qof oo dambiilayaal ahaa kuna jiray diiwaanka booliiska, waxa ay sidoo kale booliiska ookiyaalahan ku aqoonsadeen dad watay kaarar been abuur ah.

Ciidamo katirsan booliiska Shiinaha ayaa tagay boosteejo tareen oo aad u mashquul badan , waxa ayna booliiska ay halkaasi ka qabteen dda hore loo baadi goobaay kadib markii wajiyadooda kaamirada Ookiyaalaha ku xiran lagu aqoonsaday.

Ookiyaalahan cusub ayaa sawir ka qaadaya qof kasta oo lagu eego, wuxuuna sawiradaas barbar dhigayaa kuwa horey u kaydsanaa oo laga hayay dad dambiyo lagu tuhunsanyahay, sidaasna waxaa lagu heleyaa macluumaadka qofka sida magaciisa oo kale.

Dalka Shiinaha waxaa ku xiran 17 milyan oo kaamirooyinka sida qarsoodoga ah wax u duuba ee loo yaqaan CCTV, waxa ayna dowlada Shiinaha hada wadaa in sadex sano gudahood dalkaasi lagu xiro 400 milyan oo Kaamirooyinka CCTV.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Labada aqal ee Baarlamanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Caydiid Ali

Afar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo bixiyay lacag Waali ah !!

Cabdi Cade

Gantaal khasaare nafeed geystay oo saaka ku dhacay gudaha dalka Masar & Israel oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---