Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kheyre oo la kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan xog wareysi ah  la qaatay qaar kamid ah ganacsatada kunool magaalada Muqdisho.

Xasan Cali Kheyre ayaa ganacsatada kala hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha.

”Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah” ayuu yiri Kheyre.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa inta badan kulamo kala duwan la qaata bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa ayna kulamada yihiin kuwa uu ugu kuur galayo wax ka ogoonshaha xaaladaha jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhul iyo Dadba Xaaluf baa Inagu Dhacay: Abaaraha Fanka iyo Deegaanka oo is Helay.

admin

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Khadro Jaamac iyo Cabdinaasir Axmed (Sawirro)

Cabdi Cade

Harriett Baldwin oo gaartay Hargeysa lana kulantay Muuse Biixi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---