Xubno ka kala tirsan qoysaska Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo aad isu neceb ayaa isugu tagaya hal goob, waxaana laga yaabaa inay isu jirsadaan masaafo aad u gaaban oo ay indhahooda is qaban karaan.
Aqalka Cad ayaa sheegay in gabadha uu dhalay Trump oo sidoo kale xil sare ka heysta Aqalka Cad, Ivanka Trump inay u socdaali doonto dalka Kuuriyada Koonfureed, kana qeybgali doonto ciyaaraha Olimbikada oo dhawaan furmaya.
Sidoo kale  gabadha la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa lagu soo waramayaa inay u safrayso dalka Kuuriyada Koonfureed si ay uga qeybgasho furitaanka ciyaaraha deyrta ee dalkaas ka furmaya.
Gabadhani oo saameyn culus ku leh dalkeeda laguna magacaabo Kim Yo-jong ayaa ah gabadha ugu yar qoyska Kim Jong-il oo ah hoggaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.
Ivanka ayaa waxaa la sheegay inay la shaqaysay guddiga Ciyaaraha Olimbikada caalamiga ah si sanadka 2028-da ciyaarahaas loogu qabto Magaalada Los Angels ee dalka Maraykanka.
Trump iyo Kim ayaa marar badan warbaahinta isaga hanjabay, iyada oo Kuuriya Waqooyi ay Maraykanka ugu hanjabtay in ku garaacayso hubka wax gumaada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com