Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyey duqeyn ka dhacday duleedka Muqdisho (Akhriso)

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in duqeyn shalay ka dhacay gobolka Sh/hoose lagu dilay tiro ka mid ah xoogaga Alshabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in weerarkan  lagu qaaday degaanka Gendershe oo aan wax badan ka fogeyn magaalada Muqdisho, kana xiga dhinaca Koonfur galbeed.

Maraykanka ayaa sheegay goobta ay duqeeyeen laga soo abaabuli jiray weerarada Alshabaab ku soo qaado ciidamada dowladda.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka duqeyntan ayaa waxaa lagu dilay 13 ka tirsan kooxda Alsahbaab, iyadoo qiimeynta weerarka lagu sheegay inaaan wax qasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

Maraykanka ayaa tan iyo bilowgii sanadkan xoojiyey duqeymaha uu la beegsanayo goobaha ay joogaan xoogaga Al-shabaab.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf Maamuus ah ku qabtay Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo safarkiisii ugu horeeyey ku tagaya gobolada dalka

Caydiid Ali

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho intooda badan oo saaka xiran & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---