Haweeney Soomaali ah oo ku nool dalka Norwey ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Oslo, iyadoo loo heysto dembi la xiriira iney dooneysay koox argagaxiso ah iney ku biirto.
Xeer ilaalinta dalka Norway ayaa xeer beegtida maxkamada Oslo ka codsaday in 5 sano oo xabsi ah lagu xukumo haweenaydan Soomaalida ah oo ah 31 jir heysata shan caruur ah.
Hooyadan oo sanad ka badan ku jirtay xabsiga ayaa laga soo qabtay garoonka dayuuradaha ee Oslo. Waxaana xogta lagu soo xiray Sirdoonka Norway u soo gudbiyey sirdoonka U.K oo xiligaas xabsiga dhigay nin ay Haweeneydan xiriir la laheyd, kaasoo markii danbe 8 sano oo xabsi lagu xukumay.
Haweeneydan Soomaalida ah oo aan magaceeda la shaacin ayaa noqoneyso qofkii ugu horeeyay ee dumar ah oo Norway lagu soo taago dambi la xiriira argagaxiso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com