Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & raggii geystay oo gacanta lagu dhigay

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa galabta ku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka buundada Anzalooti, iyadoo askariga la dilay magaciisa lagu soo gaabiyey Juuni.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dowlada oo goobta ka dhowaa ayaa la sheegay iney ceyrsadeen raggii dilka geystay, waxaana dhexmartay israsaaseyn  khal khal ku abuurtay dadka degaanka.

Masuul ka tirsan Maamulka degmada Waaberi ayaa allbanaadir.com u xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay markii dambe qabteen saddex nin oo la sheegay iney ka dambeeyeen dilka askarigan, haatana ay ku jiraan xabsiga.

Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaan jiray ilaalada gaarka ah guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal), isagoo dhowaana ku biiray ciidanka dharcadka ah ee NISA.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Maxamed Bin Salman uu Iibsanayo Kooxda Manchester United?

Cabdi Cade

Ganacsade caan ah oo noqday senatorkii 6aad ee lagu doortay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray magaalada Xudur si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---