Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Duqeyn kale oo maalmo gudahood Al-Shabaab lagula beegsaday gobolka Hiiraan

Dayuurad aan duuliye laheyn oo la aaminsan yahay iney leeyihiin ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa maalmo gudahood duqeyntii labaad Al-shabaab kula beegsatay gobolka Hiiraan.

Duqeynta dambe ayaa ka dhacday saldhig kooxda Al-shabaab ku leeyihiin inta u dhaxeysa deegaanada Boq-goosaar iyo Burdhe ee dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dad ku nool tuulooyin aagaas ku dhow ayaa sheegaya iney maqleen qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaalaha lagu duqeeyey saldhiga Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa la sheegay in duqeyntan loogu geystay khasaare xoogan inkastoo aan la heynin faahfaahinta waxyeelada ka dhalatay weerarkan u dambeeyey.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale dayuurad uu maraykanku leeyahay ay gantaalo ku weerartay saldhig ay Al-shabaab ku laheyd degaanka Luuq-jeelow oo 25-km u jira magaalada Beled-weyne.

Saraakiisha Maraykanka ee jooga Somalia aya sheegay iney duqeyntaas ku dileen 24 ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa saldhigaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlada Somalia oo digniin ka soo saartay Musiibo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo digniin ka bixiyey dhul garoon cusub looga dhisayo Muqdisho

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu yahay Shirweynaha Madaxweyne Deni ka furay Garoowe?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---