Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Dawooyin dhacay & qalab Caafimaad oo lagu gubay fagaare ku yaalla Muqdisho

Dawooyin dhacay ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ku gubay fagaare ku yaalka xaafada Gubadley oo ku taalla duleedka degmada Kaaraan.

Goobta lagu gubayay Daawooyinka dhacay iyo Qalabka Caafimaad ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Caafimaadka gobolka Banaadir Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamed (Nuune) iyo Afhayeenka Gobolka Cabdifitaax Cumar Xalane iyo Saraakiil ka socotay laamaha Amniga.

Dawooyinka iyo qalabka ayaa waxaa dalka horay u keentay Hay’ad laga leeyahay dalka Ingiriiska, waxaana baaritaano lagu sameeyay ka dib laga soo saaray kuwo dhacay iyo qalab aan wanaagsaneyn kuwaasoo Maanta la gubay sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka gobolka Banaadir.

Dr. Nuune ayaa u sheegay Waaxda Fayadhowrka  gobolka Banaadir ay Dekada u taagan yihiin inay Bulshada Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dadka waxyaabaha qatarta ku ah dalka soo gelinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa qoloma Naadiya, Su’aasha ugu badan ee Soomaali badan isweydiinayaan?

Caydiid Ali

Nin Mindi ku hubeysan oo dad tareen la socday ku weeraray Regensburg (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo hakiyey natiijada kursi dacwad laga keenay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---