Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii ugu horeeyay ee Cilmi baaris Caafimaad oo lagu qabtay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Shirkii ugu horeeyay ee cilmi baaris caafimaad oo ay soo qabanqaabiso Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo tiknoolojiyada ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen xeel dheerayaal Caafimaad oo isaga yimid Dalka iyo Dibada ayaa diirada lagu saaray baahida loo qabo sare u qaadista iyo tayeynta cilmi baarista Caafimaad ee laga sameeyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaamacada Jamhuuriya Injineer Maxamuud Axmed Jimcaale oo ka hadlay munaasabada furitaanka shirka ayaa raja weyn ka muujiyay In guusha laga gaaray shirkan mid ka wanaagsan la gaari karo hadii la helo iskaashi dhex mara jaamacadaha dalka.

In ka badan lix iyo toban cilmi baaris ayaa lagu soo bandhigay shirkan iyada oo Xamdi Jaamac Maxamed ay ku guuleysatay Abaal marinta Cilmi baarista ugu wanaagsann ee lagu soo bandhigay Shirka Waxayna bogaadisay Dadaalka ay Jaamacada Jamhuuriya galisay agaasinka shirkan iyada oo hoosta ka xariiqday in ay guul u tahay guud ahaan ummada Soomaaliyeed qabsoomida shirarka noocaan ah.

Prof. Cabdi Cali Geelle oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacada Oslo ee dalka Norway unna yimid Magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirkan ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto sameynta culuumta oo ay saldhig u tahay Baaritaannada Caafimaad.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana qabsoomida shirkan dadaal weyn u gashay Jaamacada Jamhuuriya oo kamid ah Jaamacadaha kuyaala Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Xakameynta Kiimikooyinka…

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo laga helay caabuqa Coronavirus

Caydiid Ali

Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta furmaya iyo Qodobada looga hadlayo

Cabdi Cade