Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Dib u dhis lagu sameenayo Wadada Via Roma oo la dhagax dhigay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow) ayaa maanta dhagax Dhigay dib u dhis lagu sameenayo wadada Via rooma ee degmada Xamar weyne.

Waxa uu sheegay Gudoomiye C/raxmaan Cumar Cismaan in maamulkiisa ka go’an tahay sidii dib u dhisi loogu sameyn lahaa qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho ee wali bur bursan.

Gudoomiyaha gobolka ayaa Xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay Sidii uu dib ugu soo nooleyn lahaa adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool gobolka Banaadir.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay dar dar galinta howlaha muhiim ah ee looga fadhiyo, waxa uuna Gudoomiyaha balan qaaday in Gobolka si deg deg ah uga shaqeyn doonaan horumarkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo lagu eedeeyay in ay dileen Maxaabiis ay ku qabteeb dagaalka Laascaanood

Cabdi Cade

Saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dil & dhaawac loo geystay iyo ajnabi Nolol lagu soo qabtay (Magaciisa)

Caydiid Ali

QM oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay duufaantii ku dhufatay bariga Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---