Jabahadda Xoreynta Ogadenia (ONLF) ayaa sheegtay heshiiska ay la galeen Dowladda Itoobiya aysan ku jirin iney hubka dhigaan.
Madaxa Warfaafinta ONLF Maxamed Ibraahim oo War-saxafadeed soo saaray ayaa sheegay in heshiiskii ay la galeen Itoobiya uusan ku jirin hub ka dhigis.
“Heshiiski Jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya ay wada galeen waxaa ka mid ahaa in ciidamada Jabhaddu ay ka mid noqdaan ciidamada amniga ee degaanka sababta loo mideynayana waxay tahay si nabadda iyo xasiloonida dalka loo wada ilaaliyo” ayuu yiri afhayeenka.
Jabhadda oo ay ka go’an tahay meel marinta heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya ayaa mideynta ciidamada waxaa ku howlan ayuu yiri guddi isku dhaf ah.
Ku-xigeenka Abaabulka iyo Arrimaha Gudaha Ibraahim Maxamed Amaan wuxuu sheegay War saxafadeedkan uu ka ka dhashay shir ay guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee Jabhadda ONLF oo ka dhacay magaalada Jigjiga oo lagu falanqeeynayey qodob ka mid ah qodobbada heshiiska ay Jabhaddu la gashay dowladda Itoobiya oo ah qodobka Ciidamada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com