Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Todoba gaadiid xamuul ah oo lagu gubay duleedka degmada Afgooye

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa iney gaadiid badan ku gubeen degaan lagu magacaabo doonka  oo hoostaga degmada Afgooye ee gobalka Sh/hoose.

Gaadiidka la gubay ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay 7 gaari oo ah kuwa qaada xamuulka.

Dadka degaanka ayaa waxay sheegeen in gaadiidkan ay ka yimaadeen degmada Wanle-weyn, kuna sii jeedeen degmada Afgooye.

Gaadiidkan oo Al-Shabaab ay  gubeen galinkii danbe ee shalay ayaa siday dhuxul, ganacsato ku sugan degmada Afgooye ayeyna u rarnaayeen.

Ilaa iyo hadda lama ogo sababta keentay inay Al-Shabaab  gubaan gawaaridan xamuulka ah Sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Sh/hoose iyo Al-shabaab toona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo Geeriyooday

Cabdi Cade

Rag doonayay in ay galaan Xero ciidamo Britain ah ku leeyihiin Kenya oo la qabtay

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo mar kale shan nin ku toogatay goob fagaare ah (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---