Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan xabsi & ganaax ku muteystay hadal uu ku qoray baraha bulshada

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanaka dalka Ivory Coast horeyna u soo noqday wasiirkii ciyaaraha dalkaasi ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $520 dollar.

Waxaa lagu eedeeyey inuu bartiisa Twitter-ka ku qoray hadalo been abuur ah oo rabshado abuuri kara .

Xeer ilaaliyaha dalkaasi ayaa 9-kii bishaan Janaayo amar ku bixiyay in la xiro xildhibaan Alain Lobognanoo.

Waxaana xeer ilaaliyuhu uu sheegay in hadalka uu bartiisu tweterka ku qoray uu kicin karo rabshado iyo isku dhacyo bulshadeed .

Qareenka xildhibaanka oo la xiray 15 bishan ayaa sheegtay in uu doonayo uu racfaan ka qaato eedaha loo jeediyay.

Waxay intaas ay ku dartay in ay iska caddahay in arintaani ay tahay kiis siyaasadeed oo ay ka dambeyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi.

Xildhibaanka ayaa muddo 10 cisho ah cuntada ka soomanaa, waxaa uu rumeysan yahay in eedeymaha loo heysto la siyaasadeeyay, xukunka lagu ridayna uu yahay mid cadaalad daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Reer Muqdisho oo dhiban ayuu Wasiirku rabaa inuu sii dhibo!

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

La taliyihii Madaxweyne Trump ee arrimaha ololaha doorashada oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---