Ciidanka NISA ayaa xalay howlgal waxa ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah Degmadda Hoddan, waxaahowlgalkan Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah iyo Giddoomiyaha Degmadda Hoddan Mohamed Ahmed Cantoobo.
Howlgalkan oo ka Dhacay Xalay Waaxda Taleex ee Degmadda Hoddan ayaa Ciidanka NISA waxaa ay guri guri u baareen dhammaan Xaafadaha uu howlgalka ka socday, waxaana ay ku soo qabteen dhalinyaro aad u badan.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolla Banaadi Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa dadka howlgalka lagu soo qabtay u balan qaaday in cidna aan lasaari doonin danbi aysan galin, lana kala saari doono dadka tuhunka laga qabo iyo kuwa aan laga qabin, waxaana Guddoomiyaha uu mid mid ula sheekeesayay dadka xaafadaha laga soo aruuriyay kuwaas oo dareemay kalsooni badan.
Ciidanka NISA ayaa sameeyay baaritaano ay kula kala saarayaan dadka lasoo aruuriyay, ayagoo adeesanaya Xeelado kala duwan.
Guddoomiyaha Degamadda Hoddan Munade Maxamed Axmed Cantoobo oo baarista ka dib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Baaritaankan uu ahaa mid lagu Xaqiijinayo Amniga Degmadda, waxaana uu tilmaamay in si guul ah uu ku soo dhammaaday.
Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Amniga Iyo Siyaasadda Mudane Tuulax oo lahadlay warbaahinta Baarista ka dib ayaa sheegay in howlgalkan uusan ku ekeeb xalay kaliya, balse si siman looga wada fulindoono dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.
“Waxaan u Mahadcelinayaa Ciidanka Amniga NISA ee Caawa Howlgalkani sameeyay, waxaan aad ugu riyaaqay runtii sida anshaxa iyo qadarinta badan oo aad ula dhaqanteyn bulshada, waxaana ay nagalisay rajo aad u weyn, howlgalkani waxaa uu ahaa mid lagu ugaarsanayay Cadowga Umaddaan kaas oo markasta shacabka ku dhax-dhuunta, waxaana caawa halkan aan u joogaan Xiligan, waa in aan xaqiijino Ambiga Caasimadda, taas oo ah mid naga go’an hadaanahay Maamulka iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir, LKN Shabacka Caasimadda waxaa ka rabnaa laba arrimood, In ay nagu caawiyaan soo qabasha iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayo”
Saraakiisha Ciidanka NISA ee Howlkan fuliyay ayaa sidoo kale si waanagsan u la dhaqmay dadka laga Soo aruuriyay Xaafada uu howlgalka ka socday, waxaana inta uu howlgalka socday la arkayay, Ciidanka oo si Asuul ay ka muuqato u ladhaqmaya Bulshada, una sheegaya in aysan jirin qof xad-gudub lagu sameenayo taas oo isu soo dhawaansho ka dhax abuurtay ciidanka iyo Shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com