Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo saartay dil saaka ka dhacay Muqdisho

Kooxda Alshabaab ayaa war kasoo saartay dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu khaarijiyey askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa si degdeg u sheegatay mas’uuliyadda weerar khaarijin ahaa oo saaka ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, waxaana qoraal ka soo baxay

“Mujaahidiinta ayaa degmada Xamar Weyne ku khaarijiyay Sarkaal ka tirsanaa -dowladda Federaalka – oo darajadiisa ciidan ay aheyd Gaashaanlle Sare” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Dilka C/qaadir Ibraahim Cabdulle ayaa ka dhacay agagaarka Bacadlaha Xamarweyne, waxaan goobta ka baxsaday laba dabley ahaa oo dilka geystay, iyadoo hay’adaha amniga ee dowladda aysan wax war ah kasoo

Ciidamada Saldhiga Xamar-wenye ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydkii askariga, mana jirin cid loo qabtay falkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo shaacisay in ay dib ugu soo laabatay masraxa Caalamiga ah

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay Shirkii maanta u furmay Farmaajo & shanta dowlad goboleed

Caydiid Ali

Farmaajo oo go’aan culus ka qaatay Kenya & DF oo ka jawaabtay cabasho ka timid..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---