Allbanaadir.com
NEWS

Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Maxkamada caalamiga ah ee Hague

Maxkamada caalamiga ee Cadaalada ee ku taala Magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa u dooratay inuu noqday Guddoomiyaha Maxkamadaas Cabdiqawi Axmed Yusuf oo ah Garsoore Soomaaliyeed.

Cabdulqawi wuxuu ka soo baxay xiligii beri-samaadkii Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu.

Sidoo kale wuxuu shahaadada Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva dalka  Switzerland.

Garsoore Cabdiqawi waxaa saddexdii sano ee la soo dhaafay uu ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Maxkamadan oo saddexda sano ee soo  socota heyn doona guddoomiyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Hague.

Cabdulqawi waa garsoore Caalami ah oo uu xilal kala duduwan ka soo qabtey hay’ado ay ka mid yihiin UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada sanadkii 2009.

Waa garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee darajo illaa heerkaas ah ka gaara heyadaha cadaalada ee caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray xarunta keydka Qaranka ee Daawada (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidan ka baxay Xarardheere oo duulaan ku qaaday…

Caydiid Ali

Caro xooggan oo ka dhalatay Muuqaal laga duubay RW Sanna Marin (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---