Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Nabadoon wax kasoo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo caawa la dilay

Kooxo hubeesan ayaa caawa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen nin Nabadoon ahaa oo la sheegay in uu kamid ahaa ergadii Xildhibaanada golaha shacabka wax kasoo doortay.

Dhalinyaro hubeesan ayaa la sheegay in ay toogteen Nabadoon Xayeesi Mursal oo kamid ahaa ergadii Xildhibaanada golaha shacabka kusoo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in raga dilka geestay ay goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana daqiiqado kadib goobta uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Afgooye oo sameeyay baaritaano .

Dilalka qorsheesan ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xaalada amaan ee Afgooye hada u muuqataa mid faraha kasii baxeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Aduunka oo qaatay Go’aan ka dhan ah Milatariga Talada Sudan la wareegay

Cabdi Cade

Wasiirkii Reerka Afgaanistan ee sida lama filaanka isugu bedelay Cunto geeye !(Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka iyo kooxda Taliban oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah (Daawo Sawiiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---