Allbanaadir.com
NEWS

Ajaaniib dooneysay in Al Shabaab ku biiraan oo xukun adag lagu riday

Maxkamad ku taala Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday sadex nin oo ajnabi ah oo la sheegay in ay doonayeen in Al Shabaab ku biiraan.

Maxkamad ayaa min 15-sano oo xabsi ah ku riday Mbarouk Ali Adibu oo 34 jir ah, Idarous Abdirahman oo 32 jir ah iyo Islahi Juma, oo 22 jir ah, ragan xukunka lagu riday ayaana kasoo jeeda dalka Tanzaaniya.

Ragan ajaaniibta ah ee xukunka adag lagu riday ayaa sanadkii hore laga qabtay xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan xili la sheegay in ay doonayeen in ay usoo gudbaan Soomaaliya kuna biiran Al Shabaab.

Dowlada Kenya ayaa marar badan xirtay dad ajaaniib ah oo kasoo talaabayay xadka dalkaasi la wadaago Soomaaliya, waxaana dadkaasi lagu eedeeyay in ay doonayeen in Al Shabaab ku biiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya howlgalka dalka looga saarayo Al-shabaab

Caydiid Ali

Shiikh Soomow: “Mooshinka haddii uu sharci yahay Madaxweynuhu Baarlamanka ha tago”

Caydiid Ali

Carruur ay Soomaali ku jiraan oo muhaajiriin ah oo laga qaaday dalka Greece

Cabdi Cade
Taboola Ads ---