Dowlada Britain ayaa maanta safiir cusub oo wakiil uga noqonaya usoo magacawday Soomaaliya, waxaana shaqada ka tagaya safiirkii hore ee Dowlada Britain u joogay Soomaaliya David Concar.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Arimaha dibadda dowlada Britain ayaa lagu sheegay in Safiirka cusub ee UK u fadhin doonaa waddanka Soomaaliya uu noqon doono danjire Ben Fender.
Danjiraha cusub ee dowlada Britain usoo magacawday Soomaaliya ayaa xilka la wareegi doona bisha soo socota ee Febraayo, waxaana danjirahan uu ka shaqeyn doonaa xoojinta xiriirka labada dal sida ay sheegtay Wasaarada Arimaha dibadda.
Safiirka ka tagaya shaqadii uu Soomaaliya ka hayay David Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono, walina ma sheegin dowlada Briain xilka cusub uu Conkar loo magacaavi doono.
Danjiraha cusub ee Briain usoo magacawday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka hor xilkan ahaa madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda UK, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka howlgalka UK ee dalka Iran.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com