Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Imaaraadka oo ceeb ka raacday abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka (Daawo Sawiro)

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa qabatay tartanka  abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka, waxaana tartankan dadkii ku guuleestay dowlada Imaaraadka siisay abaal marino kala duwan.

Imaaraadka ayaa ceeb xoogan kala kulmay abaal marintan uu bixinayay , waxaana si weyn loogu faaqiday abaal marintan baraha bulshada kadib markii abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka dadkii ku guuleestay ay wada noqdeen rag.

Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum, oo ah amiirka xukumo Dubai iyo masuuliyiin kale ayaa joogay goobta abaal marinta lagu bixinayay, waxa uuna Amiirka Dubai u hambaleeyay dadkii abaal marinta ku guuleestay.

Amiirka Dubai xukuma oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in dumarka Imaaraadka ay udub dhexaad u yihin horumarka dalkaasi uu gaarayo mustaqbalka, waxa uuna sheegay in Dumarka Imaaradaka door muhiim ah ku leeyihiin.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hadalka kasoo yeeray Amiir Sheikh Maxamed Bin Rashid Al Maktoum , waxa ayna dadku ceeb ku tilmaameen in munaasabada ay dumarku ka maqnaayeen abaal marina aan lagu siin.

Sawir la soo dhigay barta twitter-ka ee xafiiska warfaafinta dowladda Dubai ayaa muujinaya Sheekh Maxamed oo ag taagan 5 hablood, inkastoo magacyadooda iyo waxa ay yihin aanan sawirka lagu qorin.

Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay in guul laga gaaray sinnaanta ragga iyo dumarka guul laga gaaray isla markaana laga shaqeeyay hoos u dhigida farqigii jinsiga ee u dhaxeeyay shaqaalaha u shaqeeya dowladda dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtar dhibaato halis ah u geystay bukaano fara badan oo dacwad lagu soo oogay

Caydiid Ali

Beri ma Ramadaan baa? (Maxkamada sare ee Sacuudiga oo War ka soo saartay)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho & khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---