Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ku war galinaya in Isbitaal uu imaanayo kana howl galayo Dhaqtar u dhashay dalka Hindiya oo ku takhasusay Dhalmo la’aanta raga, xanuunada kilyaha iyo kaadi mareenka.
Dhaqtarka oo ka howlgala Isbitaalo kuyaala Hindiya ayaa Muqdisho u imaanaya sidii uu bulshada Soomaaliyeed uga daweyn dhalmo la’aanta raga iyo xanuuno kale, waxa uuna dhaqtarkan Isbitaalka imaanaya 14-2-2019, waxa uuna joogi doonaa mudo isbuuc ah.
Cudurada oo Dhaqtarkan Daaweyn doono waxaa kamid ah
1-Daaweynta Dhalmo la’aanta raga
2-Qaliinka dhagxaanta kilyaha iyo kaadi mareenka
3-Qaliinka qanjirka Burustaatada
4-Furista tubooyinka Kaadi mareenka
5-Qaliinada Kaadi mareenka
6-Daaweynta Infegshinada
7-Daaweynta raganimada
Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ayaa sidoo kale dalka idiin keenay Mishiinka E S W L oo burburiya dhagxaanta kilyaha iyada oon wax qaliin ah lagu sameyn , waxa uu sidoo kale Isbitaalka Kalkaal idiin keenay raajo Digital ah.
Kalkaal Hospital ayaa dhamaan qaliinada uu fulinayo u adeegsanaya habka casriga ee loo yaqaan Laproscopy, waxaana Isbitaalka mar walbo u taagan yahay sidii uu u haqab tiri lahaa baahiyaha caafimaad ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.
Waxii Faah faahin ah kala xiriir
Tell:0617633661 ama 0617633662
Sidoo kale kala xiriirka Numberka gaaban ee 4040.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com