Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Xuutiyiinta oo sii daayay Askari Sacuudiyaan ah oo gacanta ugu jiray (Daawo Sawiro)

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman ayaa sii daaysay askari xanuunsan oo u dhashay boqortooyada Sacuudiga oo mudo gacanta ugu jiray, waxaana askarigan lagu sii daayay waan waan ee ka shaqeysay Qaramada Midoobay.

Diyaarad ay leedahay ICRC oo siday Mousa Awaji oo gacanta ugu jiray kooxda Xuutiyiinta ayaa ka degtay magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga, waxaana askarigan durba la geeyay isbitaal gaar ah oo lagu daweenayo.

Askarigan ay sii daayeen kooxda Xuutiyiinta ayaa la sheegay in kooxdan ay ku badalaneyso maxaabiis ay ka heestaan Isbaheysiga Sacuudiga hogaamiyo, waxaana Maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac ka shaqeeyay Ergayga QM u jooga dalka Yemen, Martin Griftis.

Sii deyntan askariga xanuunsan ee u dhashay Sacuudiga ayaa horu dhac u ah maxaabiis is dhaafsi kooxda Xuutiyiinta iyo Isbaheysiga Sacuudiga hogamaiyo, waxaana labada dhinac kala heestaan maxaabiis dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo shaaciyay Sababta ku kaliftay in mar kale isku soo sharaxo Madaxweyne

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

J/Carabta oo bayaan ka soo saartay xiisada Siyaasadeed ee ka aloosan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---