Allbanaadir.com
NEWS

UN-ka oo sahan ku sameeyey goobtii ay ka dhisan lahaayeen Xaruntooda Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Wafdi ka socday Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya uuna horkacayey Mr. Tubato oo ka tirsan saraakiisha QM ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdigan ayaa kormeeray ilaa shan Xarun oo ka mid ah xarumihii ciidamada dowladii dhexe ee Soomaaliya ku lahaayeen Magaalada Dhuusamaareeb, waxaana ujeedada kormeerkoodu ahaa iney sahmiyaan halkii laga dhisi lahaa Xarunta UN-ka Magaalada Dhuusamareeb.

Wefdigan ayaa waxay la kulmeen Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyagoo kala hadley sidii uu Maamulku ugu fududeyn lahaa dhisida Xarunta UN-ka ee Dhuusamareeb.

Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa saraakiisha UN-ka u sheegay in maamulka Galmudug uu uga baahan yahay Kaalmo muuqata oo la siiyo si loo dardargaliyo hubinta in adeegyadii loo baahnaa la gaarsiiyey dadweynaha.

Shiikh Maxamed Shaakir oo  hadalkiisa sii wata ayaa uga mahad celiyay Hay’addaha UN-ka sida dhaqsida leh ee ay u fulinayaan balan qaadkii uu dhowaan sameeyey Ergayga Qaramada Midoobey ee ahaa furitaanka xafiiska Qaramda Midoobey ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsan ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo la xiray iyo Madaxtootada oo ka hadashay

Cabdi Cade

Shirkad yaab leh oo laga hirgeliyey waddanka Tunisia iyo shacabka oo ka qeyliyey

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ka digtey khatar ka imaan karta Warshad Nukleer ah oo la duqeeyey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---