Magaalada Tahraan ee caasimada dalka Iiraan ayaa laga mamnuucay in dadku ku dhax wadan karaan Eeyga, waxaa sidoo kale dadka Eeyga leh laga mamnuucay in baabuurtooda xitaa soo saaran karaan.
Taliyaha booliska magaalada Tehraan, Xuseen Raxiimi ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkii jabiya amarkan cusub ee soo baxay laguna arko isaga oo Eey magaalada ku dhax wata.
Waxa uu sheegay Taliyaha in mamnuuc tahay in Eey lala yimaado magaalada gaar ahaan goobaha dadku isugu yimaadaan, waxa uu sidoo kale sheegay in la mamnuucay in baabuurta lagu kaxeeyo Eeyaha.
“Waxaa mamnuuc ah in Eeyga aad ku dhex wadato magaalada dhaxdeeda ama baabuurkaaga, haddii laguugu arko arrintaasi, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa dadka iska leh baabuurkaasi” ayuu yiri taliyaha booliska Tehraan.
Dalka Iiraan waxaa sanado badan ka taagnaa khilaaf ka dhasahay in dhaqashada Eeyga iyo in magaalada lagu dhax wato laga mamnuuco, waxaana marar badan dad loo diida in Eeyaha la tagi karaan meesha ay rabaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com