Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro kasoo baxsatay Deegaano Al Shabaab maamulaan oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha degmada Ceelbuur ee Gobalka Galguduud, Nuur Xasan  Guutaale, oo ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay soo badbaadiyaan Sedax dhalinyaro ah oo kasoo baxdasay Xarun ay Shabaabku Caruurta ku tababaraan oo ku taalla Ceebuur.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in wiilasha sedaxda ah ay lasoo xariireen markii ay soo baxsadeen kadibna ay Ciidan u direen, kuwaas oo ugu danbeyn ku guuleestay in ay si nabad ah ku keenaan Baledweyne

Nuur Xasan  Guutaale ayaa shaaciyay in sagaal xarumood oo Dagaalyahanada Al Shabaab ku tababaraan Caruurta ay ku yaallaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri waxaa gacanta ku haya dagaalyahanada Al Shabaab, maamulada degmooyinkaasi ayaana mudo sanado ah banaan joog ka ah deegaanada ay ku magacaaban yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabaaldegyo ka dhacaya Sacuudiga iyo Boqorka oo amar soo saaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamada ICJ: Geerida James Crawford saameyn kuma yeelaneyso dacwada badda

Caydiid Ali

Dowladda Shiinaha oo 103 diyaaradood u diray hawada dowlad xiisad kala dhaxeyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---