Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga iyo rasaas laga maqlay (Daawo Sawirro)

Rabshado ayaa la sheegay iney galabta ka dhaceen Magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo rasaas xoogan laga maqlay qeybo ka mid ah magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in rabshadaha iyo rasaasta laga maqlay Magaalada Jigjiga ay bilowdeen ka dib markii dad careysan oo ka soo jeeda qowmiyada Amxaarada ay sameeyeen dibed-baxyo rabshado wata iyagoo boobay goobo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaalida.

Dadka amxaarada ah ayaa la sheegayaa iney ka careysan yihiin gaadiid laga gubay iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo loo geystay, waxayna arimahaas ku eedeynayaan iney geysteen Soomaalida ku nool magaaladaas.

Meelaha qaar waxaa la sheegay in dagaal gacan ka hadal ah uu ku dhexmaray dhalinyaro ka soo kala jeeda amxaarada iyo Soomaalida, waxaana baraha bulshada la soo dhigay sawiro muujinaya meydadka dhalinyaro lagu dilay iyo qaar ku dhaawacmay rabshadaha.

Ciidamada amaanka magaalada Jigjiga ayaa la sheegay in la geeyey xaafada 6aad ee magaalada Jigjiga oo ka mid ah goobaha ay rabshudaha ugu daran ka dhaceen iyagoo isku dayaya iney soo celiyaan xasiloonida, rasaas ay furayaan ciidamada ayaana meelaha qaar laga maqlay.

Xaalada magaalada Jigijiga ayaa caawa degan Inkastoo ay weli halkaas ka jirto xiisad kacsan, waxaana bandow lagu soo rogay xaafadaha ay rabshaduhu ka dhaceen, maamulka Soomaalida ee halkaas ka jirana weli kama hadlin

Qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyada Amxaarada ayaa la sheegay in wadooyinka qaar ee Magalada jigjiga ay xireen,isla markaana Goobaha Ganacsiga iyo Gaadiidka intaba ay istaageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo gaaray degaanka Garacad, kormeerna ku sameeyey dekeda cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Dilal naxtin leh oo goordhaw ka dhacay xaafad katirsan Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiir C/risaaq oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ka dib ceyrintii Simon Mulongo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---