Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska waxaa lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu taageerayay laguna soo dhaweenayay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow.
Munaasabada lagu taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay Masuuliin kala duwan ,Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada London, iyo marti sharaf lagu casuumay.
Dadkii Munaasabada kasoo qeyb galay kana hadlay waxaa kamid ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Xukuumadii KMG ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxa uuna sheegay Yariisow in uu yahay nin howlkar ah oo kasoo bixi kara Jagada loo dhiibay.
Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay Munaasabadan ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Duqa Cusub ee Muqdisho Ing. Yariisow, waxa ayna sheegeen in masuulkan yahay mid ay ku kalsoon yihiin wax badana ka qaban doona gobolka Banaadir.
Halkaan ka Daawo Munaasabada taageerada Duqa Cusub ee Muqdisho
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com