Waxaa goordhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka furmay Shirka Amniga Qaranka ay leeyihiin Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.
Shirkan Goordhaw furmay waxaa shir gudoominaya Madaxweyne Farmaajo , waxaana ka qeyb galaya R/Wasaaraha Soomaaliya, Madaxda maamul goboleedyada , Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya.
Waxaa la filayaa shirka Amniga Qaranka goordhaw ka furmay magaalada Muqdisho in looga hadlo Xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore u yeesheen Madaxda.
Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa lagu falan qeyn doonaa xaaladda amniga dalka iyo isku dhafka Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com