Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho .

Qaraxan goordhaw dhacay ayaa si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay laga arkayaa uuro iyo qiiq madow oo ka baxaya.

Sida aan wararka ku heleyno Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw kaalin Shidaal, waxaa sidoo kale goobta uu qaraxu ka dhacay ku taala mid kamid ah Wasaarada Dowlada Soomaaliya.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan xoogan ee goordhaw dhacay , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo badan iyo gawaarida gurmadka deg dega.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiradii Dhaqanka dowlada Baxreyn oo sabab yaab leh xilka looga qaaaday

Caydiid Ali

Meydka Wiil 6-sano jir ah oo Qoykiisa ka maqnaa oo Muqdisho lagu arkay

Cabdi Cade

Jabuuti iyo Eritrea oo Heshiis Horu dhac ah ka gaaray Colaadii u dhaxeysay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---