Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo kaalin aan lagu farxin ka gashay Wadamada Ugu Musuq maasuqa badan Dunida

Soomaaliya waxaa wali ka jira musuq maasuq xoogan oo wax badan u dhimay dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya, waxa ayna Soomaaliya sanad kasta safka hore kaga jirtaa Wadamada Caalamka ugu musuq maasuqa badan.

Hay’ada Daah-furnaanta Caalamka ee loo yaqaano Transparency International ayaa lagu cadeeyay sanadkii tagay wadamada Caalamka ugu muuq maasuqa badnaa iyo sidoo kale wadamada Musuq maasuqa la dagaalamay.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2018-kii noqday wadanka ugu musuq maasuqa badan caalamka sida lagu shaacisay Warbixinta Transparency International , waxa ayna Soomaaliya halka ugu hooseeya ka gashay wadamada uu Musuq maasuqa baahsan dilooday.

Sida ku cad Warbixintan cusub ee lasoo saaray Soonaaliya ayaa musuq maasuqa uga horeysa wadamo ay kamid yihiin Siiriya, Koonfurta Suudaan, Afganistan , Waqooyiga Kuuriya iyo Wadamo kale.

Wadanka Denmarka ayaa noqday wadanka ugu horeeya Caalamka uu ka jiro musuq maasuqa ugu yar, waxaana wadankan iyada wadamada kale ee kusoo xiga guul ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Musuq maasuqa.

Halkan ka Akhriso Liiska Wadamada ugu horeeya iyo kuwa Ugu liita Dhinaca Musuqa

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday go’aan Niyad jab ku riday dowlada Kenya

Cabdi Cade

Wasiirkii Difaaca UK oo shaqadiisa ku waayay Sir Qaran uu dusiyay

Cabdi Cade

Guddoomiye Cali Jeyte oo isaga baxay Guddi uu xubin ka ahaa kana hadlay Sababta

Cabdi Cade