Allbanaadir.com
NEWS

Nin Gudoomiye kasoo noqday Degmada Buulo Burte oo la dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan magaaladaasi ku dileen nin horey Gudoomiye uga soo noqday Degmada Buulo Burte.

Sida aan Wararka ku helnay koox biskoolado ku hubeesan ayaa salaadii cishaha kadib waxa ay dileen Cabdi Iidow Sabriye oo soo noqday Guddoomiyaha degmada Buulo Burte, dowladdii C/llaahi Yuusuf Axmed.

Cabdi Iidow Sabriye ayaa la sheegay in uu horey uga baxay siyaasada kuna biiray culimada loo yaqaan Tabliiqa, waxa uuna si weyn mudooyinkan uga qeyb qaadanayay faafinta diinta, waxaana xalay la dilay xili uu Salaada cisho masaajid kusoo dukaday.

Ciidamada amaanka ee ku sugan  magaalada Baladweyne ayaa wada baaritaano ay ku baadi goobayaan ragii ka dambeeyay dilka GUdoomiyihii hore ee Degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geesto ciidamo katirsan dowlada iyo dad shacab ah, waxaana inta badan gacanta laamaha amaanka ka baxsada dadka dilalka geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo War cusub kasoo saartay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Cabdi Cade

Booliska Norway oo qabtay shabakad Soomaali u badan oo ka ganacsata daroogada

Caydiid Ali

Cabbaas oo Magacaabay shaqsiga bedelaya & Israel oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---