Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuuradaha oo laga mamnuucay iney dul maraan Xabsiyada dalka Norwey (Sababta)

Sideed xabsi oo ku yaalla dalka Norwey ayaa laga mamnuucay iney dul-haadaan dayuuradaha yar yar.

Mamnuucida ayaa quseyso Xabsiyada kala ah Bergen, kan Halden, Ringerike, Stavanger, Telemark, Trondheim, Romerike iyo xabsiga Baeum.

Dayuuradaha ayaan loo ogoleyn iney xabsiyadaas dushooda ku maraan cabir ka hooseeya 926 mitir oo dusha sare ah, iyadoo amarkan uusan khusaynin diyaaradaha ay isticmaalaan milateriga, booliiska, iyo hay’adaha gurmadka deg deg ah.

Xabsiyadan ayaa loogu talo galay in maxaabiista xukunada ciqaabta lagu rido qaasatan kuwa qatarta ku ah bulshada. Mamnuucistan ayaa timid kadib markii waaxda asluubta ee KDI ay xiriir la samaysay hay’adda duulista hawada una gudbisay baahidda ku aadan in duulimaadyada laga mamnuuco xabsiyada dushooda.

Waaxdu waxay sheegtay in mamnuucistani ay yarayn karto khatarta ku aadan in dayuuradaha Drone-ka iyo kuwa lagu ogaado dhismayaasha in loo isticmaalo isku gudbinta daroogada iyo hubka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump iyo Obama oo hadaladii ugu kululaa isku weeraray

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qaraxyo xoogan oo caawa laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Rooble kala hadlay Odayaasha Dhaqanka & Guddiga doorashada Banaadiriga?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---