Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukuno kala duwan ku riday rag loo haystay in ay maleegeen Qaraxii dadka badan ku dhineen ee ka dhacay Isgoyska Soobe 14-kii October ee sanadkii hore.
Maxkamadda oo dhageesatay dacwadaha loo heestay eedeesanayaasha ayaa ugu dambeyn ku riday xukuno kala duwan oo isugu jira dil toogasho ah, Xabsi daa’in iyo in xuriyadooda la siiyo xubno dambi lagu waayay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Xasan Nuur Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunada kala duwan maxkamadda ku riday ragan ku eedeesnaa qaraxii Soobe ka dhacay.
Xasan Aadan Isaaq Cali Maxkamadu wax ay ku xukuntay dil toogasho ah.
C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo Maqan waxaa lagu Xukumay Xabsi Daa’in.
C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu Xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa amartay in xuriyadooda la siiyo Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali kadib markii Maxkamada ragan ku weysa wax dambi ah.
Qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho waxaa noloshooda ku waayay dad ka badan 400-qof halka ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan, waxa uuna ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com