Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Keligii taliye Afrikaan ah oo sheegay in Somalia aysan ka jirin wax dowlad ah

Madaxweynaha Uganda Yowerki Musaveni ayaa sheegay inay dunida ka jiraan dalal dhowr ah oo aan dowlad lahayn isagoo tusaale u soo qaatay Soomaaliya.

Musaveni oo ka hadlayey shir sanadeedka Hay’adda Garsoorka dalka Uganda goor dhoweyd ayaa sheegay inay jiraan dalal badan oo aan lahayn hay’ado dowladeed oo shaqeeya oo dalkeeda gacanta ku heysa, kuwaasoo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna sii raaciyey inay jiraan kuwo badan balse aanu sheegi karin sababo diblomaasiyadeed awgood.

“Waxaa jira dalal badan oo aan dowlad lahayn, Waa jiraan, mana laha maamul shaqeeya, Soomaaliya ayaa ka mid ah qaar kale ayaa jira laakin ma sheegayo kuwaasi sababo diblomaasiyadeed awgood..” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Musaveni ayaa goor sii horeysay magaalada Jubba ee South Sudan ka sheegay in Koonurta Suudaan ay qarka u saarantay inay noqoto sida Soomaaliya oo kale, balse ay hoggaamieyaasheeda ka qabteen.

Museveni oo ah keligii taliye kursiga fadhiyey muddo 30 sano ka badan ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isagoo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Deni & Safiirka Germany ee Somalia oo xariga ka jaray..

Caydiid Ali

Daawo:-Xaaladda Gedo oo sii xumaanaysa & Ciidamo badan oo ku sii qul qulaya Ceelwaaq & Rooble oo amar Bixiyay !!

admin

Wasiir Caabi & Masuuliyiin kale oo dhagax dhigay balaarin lagu sameynayo Isbitaalka Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---